khatumo.net archive
VOTE: Khatumo Person of the Year 2014. Waa kuma “Darwiishkii” Sanadka 2014 !
By A. Hindi
January 4, 2015
Sanad Wanaagsan, Dhammaan Bah-waynta Reer Khatumo ee ku kala nool dacallada adduunka. Waxaan idiin rajaynayaa in Sanadkan uu noqdo kii la yimaada Barwaaqo, Xornimo, iyo Caafimaad dhinaca dhaqan dhaqaale iyo Siyaasadba. Shabakadii hore idiinku soo bandhigtay Astaamihii Calanka Khaatumo, ayaa markale halkan idiinku soo bandhigaysa inaad u codaysaan Shakhsiga Sanadak ee Khatumo 2014. Iyadoo ay runtii aad u adkayd xulashada Shakhsiyaad badan ee si muuqata iyo si dadban-ba uga qayb-qaatay Halganka ay ku jiraan Beelaha SSC Sanadkii la soo dhaafay ee 2014. Waxa halkan aan ku soo bandhignay 20 qof oo ka mid ah shakhsiyaadka magacyadoodu soo noq-noqdeen.
Xulashada 20kan qof, waxay ku salaysnayd Tira-koob (Poll) -Telephone ah oo aan ku waraysannay 300 qof oo ka tirsan beel waynta SSC ee deggan Dibadda iyo Gudah deegaanada Khaatumo-ba. Sidaa awgeed, Haddii ay jiraan shakhsiyaad aad jeceshay inaan soo bandhigto ama u sharraxdo Shakhsiga Sanadka, Fadlan ku soo qor Hoos, qaybta “comments”-ka si aan u tix galinno.
Fadlan inta aanad u Codayan Poll-kan ku dheggan Masawirada hoostooda, marka hore Ka bogo dhamaan muuqaallada Hoos ku qoran, Ama samee Baadhitaan kuu gaar ah si aad ugu kuur gasho waxqabadka shakhsiyaadkan adigoo isticmaali kara “Google”-ka, si go aankaagu u noqdo mid mug leh, waayo mar qudha ayuunbaad u codaynkartaa Hal-shakhsi oo kaliya. Codayn Wanaagsan.
Deggan Waddanka Faransiiska, xubin ka mid ahayd guddigii saaxdheer iyo doorashadii madaxwaynaha Khatumo. La kulantay Dagaallo badan oo lagu soo qaaday Maamulka Khaatumo. Imminka Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimah Dibadda
Hon. Madax-way-nihii Hore ee Khaatumo Administration 2012- 2014. Xubin G-15, “Ku soo simay Khatumo Shacabkeedii”
Halyayadda wayn ee Kinsi, Qayb-lixaad le kaga jirta Horumarka iyo taageerada Maamulka Khatumo. Xubin Jaaliyadda Khatumo Toronto. “Sacabadaa laguma qarin karo Soo bixitaanka Dayaxa Khaatumo” _ Kinsi
Ka mida ah Laf dhabarta Dhismaha iyo Horumarka Golaha Deegaanka ee Buhodle. Banaynta Jidadka magaalada, Madaarka iyo wacyigalinta bulshada.
Halyayga wayn ee Khatumo Nairobi, aan hadafkiisu dheeliyin, Iminka: Wasiirka Warfaafinta Khaatumo Muujiyay Geesinimo dheeraad ah marwalba oo loo baahdo.
Laf-dhabarta Khatumo, Mabada’ aan dheeliyin, xilli adag iyo mid qabowba. Cod kar, aqoonyahan deegaankiisa ka howl-gala. Imminka: Afhayeenka Khatumo Parliament.
Halyayadda wayn ee Jaaliyadda Minosota, USA. (Magaaladan oo ah Hormoodka iyo laf-dhabarta qurba-joogta khatumo) Howlkarnimo aan wiiqmin. “Bridgeka isku xidha Somalia, anigaa dega”_Ubax, Olol.
Halyayga wayn ee KDO, isku xirnaan huffan Qurba-joogta, Dhiiri galin iyo maaraynta Guddiyada Jaaliyadaha Khaatumo. Muujiyay Hogaan iyo Taageerada Gaadiidka Maamulka Gudaha.
Xubin G-15, aan ka daalin horumarinta Maamulka Gudaha waddanka ee Khaatumo, Wasiirkii Hore ee Madax-tooyada, Musharrax Madaxwayne ku xigeen Loolankii Saax-dheer. Muujiyay Bisayl siyaasadeed iyo Tanaasul.
Abwaanadda Wayn, Madaalaha Khatumo Toronto, u Hawlan har iyo habeen horumarinta iyo ka midho-dhalinta Maamulka Khaatumo, Heesahay curisay: Khaatumoy Karaamaleey, Shirkii waa La tegayaa… Daraawiishtii iyo kuwa kaleba
Mabda’a aan dheeliyin, Midho iyo luuq aan Marag u baahnayn, Abwaanaddii ku soo bandhigay taageeradeeda aan joogtada lahayn. Heesaha: Khaatumo, iyo kuwa kaleba
Mudane, Dr. Cali Khaliif Galayr, Siyaasi ruug Caddaaya oo u istaagay ka qaybqaadashada maamul u samaynta iyo aayo-ka tashiga Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn.
Xiddigga saxaafadda Khaatumo, Kow ka ahaa shirarkii Khaatumo 1, Khaatumo 2, iyo Waliba Khaatumo 3 oo uu ku cabiray shucuurtiisa Film-ada gaagaaban, kaga bogo AftaagProductions.iyo Dhambaal Culus TV.
Guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka dowladda Federaalka Somalia, Xubin Jaaliyadda KH-Mogadishu, aan Gefin Diyaaraddii ugu horraysay ee ka soo degtay Ismail-Mire Airport -Buhodle, iyo Sayyid M. A hassan ee Taleex. Qani ku ah Qaranimo Soomaaliyeed
Aayo ka tashiga beelwaynta SSC waa Muqaddas. Madaalaha Khatumo Community UK London. Mabda’a aan marbnaba la badhxi karin oo ay ku mataanayso Maamulka barakaysan ee Khaatumo
Siyaasi da’yar, u howlan kobcinta dhaqan dhaqaale, iyo Siyaasad ee deegaanada Khaatumo, Xubin, shirarkii Khaatumo 2 iyo 3. u howlan horumarinta siyaasadda dibadda iyo Federaalka ee Khaatumo
Geesinimo aan lala tartami karin, Mabda’ aan shake lahayn. difaaca maamulka Khaatumo iyo ilaalinta sharafta deegaanada SSC. Sida Kalshaale, Maygaale, Xuddun, Soljogto, Taleex, Saaxdheer, Madaale, Naftii hure, Kornayl Curri
Xiriiriyaha Jaaliyadaha Khaatumo ee Carabta, gaar ahaan UAE. Masiirka dalkiisa iyo deegaankiisaba aan ka hadhsan habeen iyo Maalin. Af-hayeenka Jaaliyadda Imaaraadka ee reer Khaatumo
Xubin G-15, aan Marnaba ka faaruqin dalka gudihiisa iyo horumarinta maamulka khaatumo. Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Khaatumo
Abwaan Dhaashane: Xikmadda iyo Luuqda Gabayada ay Jaaliyadda Seattle Washington nasiib u yeelatay. Baraarujin, Wacyi-glin, Toosin iyo Tusaalaynta shacabka khaatumo
A. Hindi (admin@khatumo.net)
This article may not copied or reproduced without the written consent of www.khatumo.net except if you are a member of Khatumo Journalists Association (KHAJA) in which case you have full permission.
22 photographs published with this piece could not be recovered — the Internet Archive never captured them, so the words are all that survive.